Sarkaalo ka mid ah waaxda keydinta dallaga ee dalka oo Dacwado lagu soo oogay

8 qof oo ka mid ah waaxda dowlada dhexe u qaabilsan keydinta dallaga ee  NCPB ayaa dacwado lagu soo oogay iyago loo heysto lunsasho lacag.

Shaqsiyaadkani dacwadaha lagu soo oogay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay   Caroline Kipchoge, Renson Kibet Korir, Eric Kipketel Talam, Virginia Wamaitha Njoroge, Paul Kipyego Marus, Stephen Kiprop Maiyo, Peter Chirchir iyo  David Barngetuny Korir.

Sarkaaladan lagu soo oogay dacwada ka dhanka ah usuqmaasuqa ayaa imaanaysaa maalin un ka dib markii xoghayaha wasaaradda  beeraha, xoolaha iyo kallumeysiga   Dr.   Richard Lesiyampe  iyo maamulaha maaliyadda ee waaxda dowlada dhexe u qaabilsan keydinta dallaga ee  NCPB,  Mr. Cornel Kiprotich lagu soo eedeyay wax isdaba marin.

Balse Maxkamada Milimani ee magaaladatan Nairobi ayaa damiin lacageed oo gaaraysa 3 Milyan oo shillinka dalka ah ku siidaysay mas’uuliyiintani.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Nuurdiin Xaaji, sheegay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in waaxda NCPB ay galeey ku soo iibsatay  ugu yaraan 11 bilyan  halka miisaaniyaddii loo qoondeeyay ay ahayd  6 bilyan oo shilinka dalka ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *