Booliska Siaya oo xiray 16 qof oo ajaaniib ah

Ciidamada booliska ee degaanka Bondo ee ismaamulka Siaya ayaa sheegay inay xabsiga u taxabeen 16 qof oo la sheegay inay dalka ku joogeen si sharci darro ah.
Howlgal ay sameyeen ciidamada amaanka ayaa lagu soo qabtay 16 –kaasi qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Kongo.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowlada gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ugu jirto in wadanka looga musaafuriyo ajaaniibta.
Waaxda socdaalka ayaa horay muddo laba bilood ah ugu qabatay ajaaniibta ka shaeynta gudaha dalka inay ku soo dhameystiraan dokumeentiyada looga baahanyahay .
Waxay cabasho ka dhalatay howlgalada ay wadaan laamaha amaanka hasa ahaate wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in loo sameynayo si sharciga waafaqsan oo aanan cidna lagu dhibaateynaynin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *