Ciidamada amaanka degmada Waabari oo xiray dad looga shaqkisan yahay Bam Gacameed lagu tuuray fariisin ciidan.

Ciidamada amaanka degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay waxay howlgalo amaanka lagu sugayo ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi kadib bam gacmeed lagu tuuray xarunta maamulka degmada.
Ciidamada ayaa markii uu falkaasi dhacay kadib waxay isku fidiyeen dhamaan xaafadaha degmada waxayna bilaabeen howlgalka lagu doonayo in gacanta loogu soo dhigto dadkii ka danbeeyay bam gacmeedka lagu tuuray xarunta maamulka degmada Waabari.
Ciidamada ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ka danbeeyeen falkaasi kuwaasoo xabsiga loo taxaabay.
Saraakiisha degmada waabari ayaa sheegay in Bam gacmeed ay koox hubaysan ku tureen xarunta degmada waabari uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada xaruntaasi.
Weerarkaan ayaa imaanaya xili shalay taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ay isla degmadaasi waabari ku soo bandhigeen rag la sheegay inay falal amni daro ah ay ka samayn jireen xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *