Degmada balanbale oo laga mamnuucay gaadiidka muraayadaha madow ay ku xiran yihiin.

Wararka ka imaanaya degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulka degmaasi uu gabi ahaanba mamnuucay inay degmadaas iyo deegaanada kale ee hoos yimaada ay ka sahqeeyaan gawaarida ay ku xidhan yihiin muraayadaha madow ee Beensalka loo yaqaano Kadib amar ka soo baxay maamulka degmada.
Madaxa arimaha bulshada ee degmada Balanbale ayaa sheegay in amarkaan uu yahay mid la doonayo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan galo cidii aan u hogaamsamina laga qaadi doono talaabo sahrciga waafaqsan.
Masuulkaan ayaa tilaamay inay talaabadaan qayb ka tahay qorsheyaasha lagu sugayo amaanka degmada sidoo kale aad loo baarayo gawaarida magaalada ka baxa iyo kuwa soo galaya si loo hubiya waxyaabaha ay gaadiidkaasi sidaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada ay ka howl galaan ciidamo amaankeeda u xilsaaran lagana doonayo inay hubiyaan dhamaan dhaqdhaqaaqyada ka jira gudaha degmada Balanbale iyo deegaanada hoos yimaada.
Ciidamada amaanka ee ka howl gala degmada Balanbale ayaa todobaayadii aan soo dhaafnay waxay magaaladaasi ka samaynayeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kadib shaqaaqooshin ka dhacay halkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *