Dowlada iiraan oo qorshaynayso inay sii xoojiso gantaaladeeda

Dowlada iiraan ayaa sheegtay inay waddo qorsho ay ku xoojinayso tayada gantaalada ridadda dheer, marakiibta iyo diyaaradaha casriga ah.
Ku xigeenka wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Tehran Maxamad Ahadi ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Wakaaladda wararka ee iiraan ee IRNA ayaa ku warameysa in tallaabadan ay tahay mid lagu doonayo in la isaga difaaco halis dhan waliba ah.
Hadalka wasiirka ayaa yimid hal maalin un kadib markii iiraan ay gaashaanka u daruurtay codsi ay u soo bandhigtay dowlada Faransiiska oo ku aaddan mustaqbalka hubkeeda nukliyeerka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maxkamada caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ay qaabishay cabasho iiraan ay ka muujinayso xayiraadda cusub ee uu Maraykanku ku soo rogay.
Dhanka kale wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga ee iiraan Maxamad Ahadi ayaa sheegay in cunaqabateynta la saaray dalkaasi aysan hakad gelin horumarinta barnaamijka sameynta hubka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *