Hay’adda UNRWA oo cabasho ka muujisay dhaqaalaha uu Maraykanka ka jaray

Hay’adda qaabilsan daryeelka qaxootiga ee dalka Falastiin ee magaceedu loo soo gaabiyo (UNRWA) ayaa go’aanka Maraykanka uu meesha uga saaray lacagihii uu gu deeqi jiray ku tilmaantay mid si aad ah looga qoomamoodo.
Afhayeenka hay’addan ,Chris Gunness, ayaa sheegay in tallabadaasi ay saameyn ku yeelanayso malaayiin qof oo ay ka mid yihiin kuwo ugu nugul caalamka.
Muddo 70 sano ah ayay hay’adda UNRWA gargaar siinaysay in ka badan 5 milyan oo ah qaxooti u dhashay Falastiin kuwaso ku nool degaanada ay Israa’iil haysato, wadamada Lubnaan , Suuriya iyo Jordan.
Hasa ahaate muddo hal sano ah Maraykanka ayaa waxyaabaha ay hay’addan qabato ku tilmaamayay kuwo caqabad ku ah in heshiis nabadeed la dhex dhigo israa’iil iyo Falastiin.
Bishii jannaayo ee sannadkan ayuu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay in dalkiisa uu go’aansaday inuu 65 milyan oo doolar ka jaro lacagihii uu siin jiray haya’dda UNRWA .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *