Hordhaca kulanka Barcelona iyo SD Huesca

Barcelona ayaa maanta kulankoodii seddexaad marti galineysaa kooxda xaggaagan heerka kobaad u soo dalacaday ee SD Huesca
koxdan ayaa dooneysa inay sii wadato guulaheeda kulamada furitaanka madama aan wali laga guulaysan.
Barca ayaa tan iyo markii la furay horyaalka La liga aan shabaqeeda wax gool ah laga dhalinin.
Ogeysiiska Cayaarta
Tartanka: La liga
Waqtiga: 07:30 pm ( SGA )
Garsooraha: Mario Melero López
Garoonka: Camp Nou
Wararka Labada Koox
Tababaraha kooxdan Ernesto Valverde ayaa la filayaa inuu kusoo shax tago safkii uu ku garaacay kooxda Real Valladolid.
Laacibka reer france ee Ousmane Dembele ayay suuragal tahay inuu ka dheelo garabka bidix, iyadoo Philippe Coutinho uu isna ka cayaarayo qadka dhexe.
Ma jiro is badal lagu sameynayo afar daafac dambe ee kooxda Barca, xili naadiga lagu naaneyso Blaugrana weli aan laga dhalin gool horyaalka La Liga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *