Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’isulwasaaraha Ethopia.

Sida ay baahisay wakaalada wararka Soomaaliya ee SONNA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Beijing ee Caasimada dalka Shiinaha kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay ahmahiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee hada jira gaar ahaan kuwa ka imaanaya dalal uu shiinuhu ka mid yahay.
Madaxweyne Soomaaliya iyo ra’isulwasaaraha Ethopia ayaa isla qiray in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay ka qayb qaataan dhammaan dalalka gobolka ku yaala.
Waxayna sheegeen in Soomaaliya iyo Itoobiya oo markii ugu horaysay taariikhda yegleelay Guddi wadaag iyo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag leh ay suuro galinayso in horay loogu socdo talaabooyin badan oo dhanka hormarka ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *