Qaraxyo ka dhacay garoonka ciidamada hawada ee Suuriya

Wararka naga soo gaaraya dalka Suuriya ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan laga maqlay garoonka diyaaradaha ciidamada hawada ee wadankaasi ay ku leeyihiin caasimadda Dimishiq.
Sido kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaraxyada ay ka dhasheen cilad dhanka korontada ah.
Dowladda Suuriya ayaa dhankeeda beenisay in qaraxyada is xig-xigay ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaligga ee Suuriya.
Waxay dowladdu intaasi ku dartay inuusan weerar ama qarax jirin hasa ahaate uu yahay dab goobta ka kacay oo ka dhashay cilad koronto.
Bishii shanaad ee sannadkan ayay ahayd markii Israa’iil ay weerartay saldhigyo militariga Iiraan ay ku lahaayeen gudaha Suuriya kaddibna iiraan ayaa Israa’iil gantaal ku tuurtay.
Isla bishaasi Israa’iil waxay soo ridday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Suuriya taaso ay sheegtay inay ku xaadgudubtay hawadeeda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *