Rwanda oo ay ka socoto doorasho baarlamaani ah

Waxaa maanta dalka Rwanda ka bilaabatay doorashada lagu soo xulanayo xildhibaanada baarlamaanka iyadoo la filayo in xisbiga talada haya ee (RPF) uu aqlabiyad ku yeesho golahaasi sharci dejinta.
Muddo saddex maalmood ah ayaa lagu wadaa inay codeynta ka socoto 2,500 oo ah goobaha codbixinta.
Waxa codkooda dhiibanaya in ka badan 7 milyan oo ah codbixiyayaal isdiiwangeliyay.
Baarlamaanka Rwanda ayaa ka kooban 80 kuraas , 24 ka mid ah waxaa loo qoondeeyay haweenka , laba dhalinyaro matalaya iyo naafada.
Waxaa xilalka baarlamaanka loolan ugu jiro in ka badan 500 oo musharaxiin ah oo ka tirsan ilaa iyo 5 xisbi iyo afar si madax bannaan u tartamaya.
Falanqeeyaasha siyaasadeed ayaa saadaalinaya in xisbiga madaxweyne Paul Kagame uu baarlamaanka aqlabiyad ku sii lahaan doono iyadoo 16-ka bishan la filayo in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeyska ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *