400 oo maxabiis oo ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Liibiya

Wararka naga soo gaaraya dalka Liibiya ayaa sheegaya in xabsi ku yaallo caasimadda wadankaasi ee Tripoli ay ka baxsadeen maxaabiis tiro ahaan dhan 400.
Sarakiisha booliska ayaa laga soo xigtay in maxaabiista baxsaday ay ku xirnayeen xabsiga Ain Zara.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale dowlada Liibiya ay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ka dhaqangalaysa Tripoli iyo duleedkeeda.
Amarka dowlada ayaa ah mid lagu doonayo in lagula tacaalo dagaalada halkaasi ku dhex maraya kooxaha hubeysan ee iska soo horjeeda.
Waxaa rabshadahaasi ku dhintay ugu yaraan 39 qof oo ay ku jiraan dad shacab ah halka ku dhawaad 100 kalena ay dhaawacmeen.
Waaxda qaran ee GNA ee dalka Liibiya ayaa sheegtay in xaaladda degdega ah lagu soo rogay caasimadda iyo degaanada ku yaallo duleedka Tripoli kadib markii qiimeyn lagu sameeyay xaaladda amaanka sido kalena la tixgeliyay danta guud.
Bayaanka waaxdan waxaa qeyb ka ah in golaha madaxtooyada uu go’aankaasi qaatay isagoo doonaya inuu ilaaliyo badqabka shacabka iyo xarumaha muhiimka ah.
Nidaamkii dowladnimo ee dalka Liibiya ayaa meesha ka baxay sannadii 2011-kii kadib markii la dilay madaxweynihii mudada dheer taliyay, Mucammar Qaddafi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *