Caasimadda Liibiya ee Tripoli oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah

Dowlada Liibiya ee ay taageerto qaramada midoobay ayaa magaala madaxda wadankaasi ee Tripoli iyo degaanada ku xeeran uga dhawaaqday xaalad degdeg ah.
Tallabadan ayaa imaanaysa maalmo un kadib markii dagaal culus u dhex maray kooxo hubeysan oo iska soo horjeedo.
Waxaa rabshadahaasi ku dhintay ugu yaraan 39 qof oo ay ku jiraan dad shacab ah halka ku dhawaad 100 kalena ay dhaawacmeen.
Waaxda qaran ee GNA ee dalka Liibiya ayaa sheegtay in xaaladda degdega ah lagu soo rogay caasimadda iyo degaanada ku yaallo duleedka Tripoli kadib markii qiimeyn lagu sameeyay xaaladda amaanka sido kalena la tixgeliyay danta guud.
Bayaanka waaxdan waxaa qeyb ka ah in golaha madaxtooyada uu go’aankaasi qaatay isagoo doonaya inuu ilaaliyo badqabka shacabka iyo xarumaha muhiimka ah.
Nidaamkii dowladnimo ee dalka Liibiya ayaa meesha ka baxay sannadii 2011-kii kadib markii la dilay madaxweynihii mudada dheer taliyay, Mucammar Qaddafi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *