Guddiga TSC oo shaqaleysiiyay ugu yaraan 8000 oo macalimiin ah

Guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa howlgeliyay in ka badan 8000 oo macalimiin ah kuwaaso badankoodu laga doonayo inay maanta iska xaadiriyaan xarumaha kala duwan ee waxbarashada.
Qorshaha lagu shaqaleysiiyay macalimiin dhan 8,090 ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowlada ugu jirto in dhamaan ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay u gudbaan dugsiyada sare.
Madaxa fulinta ee guddiga adeega macalimiinta ee TSC Mrs. Nancy Macharia ayaa sheegtay in 7,817 oo macalimiintan ka mid ah ay heleen warqadaha rasmiga ah ee muujinayo in la shaqaleysiiyay halka 273-ka kalena turxaan bixin lagu sameeyay in kastoo weli aanan loo dhameystirin dokumeentiyada ay ku howlgalayaan.
Dugsiyada hoose dhexe ee dalka ayaa waxaa dhigi doono 903 oo tiradan ka mid ah iyadoo 6,914 kale la qorsheeyay inay wax ka dhigaan dugsiyada sare.
Mrs. Nancy Macharia , madaxa fulinta ee guddiga TSC ayaa sheegtay in dugsiyada dalka uu ka jiro gaabad dhanka barayaasha ah maadaama loo baahanyahay 155,000 oo macalimiin ah.
Guddiga TSC ayaa dowlada ka codsaday inay siiso lacag dhan 8.3 bilyan oo shilin si sannad waliba loo shaqaleysiiyo macalimiin dhan 12,626 oo wax ka dhigaya dugsiyada sare ee dalka.
Qorshahan ayaa soconaya muddo afar bilood ah waxaana la doonaya in mudadaasi kadib la howlgeliyo 50,504 oo barayaal ah.
Hasa ahaate dowlada dhexe ayaa codsiga TSC kadib, bixisay 5 bilyan oo shilin.
Sido kale guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa sheegay inuu shaqaleysiinayo 4,683 oo macalimiin ah si ay u buuxiyaan boosaskii ay baneyeen macalimiintii shaqada isaga tagay bishii toddobaad ee sannadkan.
Waxaa uu guddigan shaaca ka qaaday inay jiraan ku dhawaad 290,000 qof oo soo qaatay tababarada macalinimada in kastoo aanan weli la shaqaleysiinin.
Mrs. Macharia ayaa sheegtay in guddiga uu wasaaradda maaliyadda ee dalka ka codsaday inay siiso 16 bilyan oo shilin si uu u shaqaleysiiyo 68,000 oo ardayda weli qaadanaya culuunta macalinimada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *