DHAGEYSO Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo la qaadanaya hogaamiyeyaasha Africa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa ka hor madasha iskaashiga shiinaha iyo Africa wuxuu kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka socda dalalka Africa ee shirkaasi ka qayb qalaya.
Shalay wuxuu madaxweynaha Soomaaliya la kulmay Ra’isulwasaaraha dalka Ethopia xalayna wuxuu la kulmay madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al Sisi oo ay ka wada hadaleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhexeeya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal isagoo intaasi ku daray inuu ka rajeynayo hormar dhinacyo badan leh oo ay si wada jir ah u fuliyaan.
Madaxweyne Siisi ayaa dhankiisa sheegay in dowlada Masar ay sii adkeeynayso cilaaqaadka labada dal iyo taageerada Soomaaliya.
Agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa faahfaahin ka bixinaya muhiimada uu leeyahay kulanka Madaxweynaha Soomaaliya u la qaatay madaxdaas kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *