Maxkamad ku taalo Myanmar oo suxufiyiin ku xukuntay 7 sano oo xabsi ah

Waxaa muddo toddobo sano oo xabsi ah la dul dhigay laba ka mid ah wariyaasha wakaaladda wararka ee Reuters oo ka howlgalayay dalka Myanmar.
Suxufiyiinta ayaa lagu eedeyay inay meel uga dheceen sirta xukuumadda xiligii ay baarayeen rabshadihii ka dhanka ahaa bulshada laga tirada badanyahay ee Rohingya.
Tan iyo 25-kii bishii sideedaad ee sannadkii hore waxaa gobolka Rakhine ee Myanmar ka barakacay ugu yaraan 750 kun oo ka mid ah Rohingya kuwaaso uu qaxay dhanka wadanka dariska la ah ee Bangladesh.
Qaramada midoobay ayaa howlgalo uu fuliyay militariga Myanmar ku tilmaantay isir sifeey qaabeysan.
Wariyaasha xabsiga lagu xukumay ayaa lagu magacaaba Wa Lone iyo Kyaw Soe
Waxaa la xiray sannadkii hore iyaga oo wata dokumantiyo rasmi ah oo ay booliis ka heleen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *