Dowlada Soomaaliya oo ku dadaalaysa soo jiidashada maalgashiga hormarinta.

Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Beijing ee dalka shiinaha uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ay isug yimaadeen hogaamiyeyaasha Africa,shiinaha iyo Qaramada Midowbay.
Waddanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasoo Afrika lagu hormarinayo,waxaana lagu wadaa in la fuliyo sadexda sano ee soo socota.
Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale.
Inta badan hindisayaasha horumarka ee sanduuqan ayaa waxaa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale.
Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada kala duwan.
Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho .

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa wadahadalladii ay yeesheen ka hor Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, waxaay isla garteen in la xoojiyo xiriirrada dhaqaale iyo in la iska kaashado hindisayaasha horumarka.
Dowlada Soomaaliya waxaay dadaal badan ku bixinaysaa helidda maalgelin horumarineed iyo maalgashi shisheeye si ay u gaarto yoolalka horumarka, ugana faa’iideysato halka ay kaga taallo Geeska Afrika oo ah meel Istiraatiiji ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *