DHAGEYSO Dugsiga sare ee gabdhaha ee Senior Chief Koinange oo la xiray

Waxaa si lama filaan ah albaabada la isugu dhuftay dugsiga sare ee Senior Chief Koinange ee ku yaallo dowlad degaanka Kiambu.
Arrintan ayaa timid kadib markii uu aroornimadii hore ee saaka uu dab ka kacay mid ka mid ah goobaha jiifka ee xaruntaasi waxbarasho.
Maamulka dugsigaasi ayaa sheegay in dhamaan ardaydii dugsigaasi dhiganaysay ay badqabaan oo uusan dhaawac jirin.
Booliska ayaa billaabay inay baaritaano sameyeen in kastoo ilaa iyo hadda aanan la ogaan sababta rasmiga ah ee dabka keentay inuu goobtaasi qabsado.
Dhanka kale waxaa xaafadda loo diray 34 ka mid ah ardayda dugsiga sare ee gabdhaha ee Nasokol ee ismaamulka galbeedka Pokot maadaama aysan bixin qarashaadka dugsiyada lagu dhigto taasi oo waalidiinta ay cabasho ka muujiyeen

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *