Guddiga EACC oo soo saaray qorsho lagu cirib tirayo musuqmaasuqa

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa shaaca ka qaaday qorsho uu doonayo in xal loogu helo lunsashada kheyraadka dowlada ee dadweynaha loogu adeego.
Waxaa uu warbixin uu soo saaray ku sheegay in mudnaanta koowaad uu siin doono kiisaska lala xiriiriyay sarakiisha sar sare ama lagu boobay hanti fara badan.
Guddoomiyaha ku xigeenka guddiga EACC ,Sophia Lepuchirit ayaa sheegtay in baaritaano lagu hayo in ka badan 3,000 oo kiisaska musuqmaasuqa ah kuwaaso lagu eedeyay sarakiisha dowlada dhexe iyo ismaamulada dalka.
Haweeneydan ayaa hadalkan jeedisay xili ay furtay aqoon isweydaarsi ka dhacay ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta.
Waxay Ms Lepuchirit ku nuuxnuuxsatay inay qasabt tahay in la soo afjaro musuqmaasuqa noocyadiisa kala duwan iyo dembiyada intii la sameeyo aanan lagula xisaabtamin cidii geysatay.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sheegay in miisaaniyad sannadeedkii ugu dambeeyay uu waaxda dacwad oogidda ku wareejiyay in ka badan 100 faayl oo ku saabsan wax isdaba marinada iyo dembiyada dhaqaalaha.
Guddigan ayaa intaasi ku daray inuu soo jeediyay in maxkamada la geeyo eedeysanayasha 135 kiis iyo in 14 ka mid ah laga qaado tallaabo ku aaddan maamulka.
Ms Lepuchirit ayaa sheegtay in maxkamadaha dalka ay soo gabagabeyeen dhageysiga ilaa iyo 49 kiis.
Waxaa ay intaasi ku dartay inay weli socdaan dadaalada loogu jiro in dib loo soo celiyo dhulal dowladeed oo gaaraya 14 kuwaaso si sharci darro ah lagula wareegay.
Qiimaha dhulalkaasi ayaa lagu sheegay 2.3 bilyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *