Hoggaamiyihii hore ee fallaagada DRC oo loo diiday inuu u tartamo xilka madaxtinimo

Maxkamada dastuuriga ee jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Kongo ee DRC ayaa soo saartay go’aan ay hoggaamiyihii hore ee fallagada wadankaasi Jean-Pierre Bemba uga hor istaagayso inuu sannadkan loolan u galo qabashada xilka madaxtinimo.
Waxay maxkamaddu ayidday go’aan hore oo Mr. Bemba looga mamnuucay inuu madaxtinimada Kongo isku soo sharaxo maadaama lagu eedeyay laalush bixin.
Dabayaaqada bishan ayaa la filaya in maxkamada caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ay go’aan ka gaarto dacwad ka dhan ah Jean-Pierre Bemba oo loo haysto inuu laaluush siiyay marqaati xili uu socday dhageysiga falal dambiyeedyo lala xiriiriyay.
23-ka bisha 12-aad ee sannadkan ayaa lagu wadaa inay DRC ka dhacdo doorasho madaxtinimo.
Mr.Bemba ayaa racfaan ka qaatay go’aan horay uga soo baxay guddiga doorashooyinka ee wadankaasi oo ka dhan ahaa .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *