Imaraadka oo xayiraad ka qaaday hilibka digaagga ee laga keeno Yurub

Dowlada isutaga imaraadka carabta ee UAE-da ayaa meesha ka saartay xayiraad ay horay ugu soo rogtay hilibka digaagga iyo ukunteeda ee laga keeno laba ka mid ah wadamada hoos tago qaaradda Yurub.
Arrintan ayaa waxaa ku dhawaaqday wasaaradda qaabilsan degaanka iyo isbedelka ku yimaado cimilada.
Wadamada hadda kadib hilibka laga keeno ay ogolaan doonto dowlada imaraadka ayaa kala ah Talyaaniga iyo Bulgaria.
Wadamada kale ee uu imaraadka horay uga qaaday xayiraadii dhanka hilibka ee saarnayd waxaa ka mid ah Netherlands, Kerala iyo Filibiin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *