In Ka Badan 30 Qof Oo Lagu Xiray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo

In ka badan 30 qof oo kamid ah dadka u ololeeya dimuqraadiyadda ayaa lagu xiray dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiyadda ee Congo kaddib markii ay ka qayb qaateen dibadbaxyo looga soo horjeeday qorshe dowladda ay ku doonayso in qalab cusub lagu isticmaalo codadka doorashada bisha December dalkaasi ka dheceysa.

Dadkan la xiray ayaa ku baaqayay in dib u eegis lagu sameeyo diiwaanka codbixiyeyaasha ka hor doorashada.

Booliska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegay inay soo daayeen qaar kamid ah dadka la xiray.

Warar kale ayaa sheegaya in dad kale lagu xiray magaalooyinka Goma, Lubumbashi iyo gobolka Kasai.

Xisaadda dalkaasi ayaa sare u kacday  kaddib markii labo hoggaamiyeyaal oo mucaaradka ka tirsan lag hor istaagay in doorashada ay u tartamaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *