kooxda jeventus oo lagu wado in ay soo iibsato marcelo

Kooxda Juventus ayaa Marcelo lala xiriirinayaa tan ilaa markii ay la soo wareegtay Xiddiga Cristiano Ronaldo suuqii xagaaga iyaga oo doonaya in ay labada xiddig ku mideyeen magaalada Turino.

Sida laga soo xigtay wargayska Tuttosport xiddiga reer Brazil ayaa la leh xiriir xun tababaraha kooxda ee Julen Lopetequi Waxana uu si joogto ah ula xiriiri jiray xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

 

Juventus ayaa diyaarinaysa in ay heshiis isku badalasho ah la samayso kooxda Real Madrid si ay uga helaan saxiixa Marcelo iyaguna Real Madrid diyaar ula yihiin xiddiga ay isku xulka Yihiin Marcelo ee Aeix Sandro.

 

Labada kooxood ayaa xiddigaha ciyaarsiin kara wareegayada dambe ee champions League hadii uu heshiisku dhoco maadama uu xiriirka yurub ka saaray meesha xeerkii xiddiga ka hor istaagayay in aanu u ciyaarin koox kale hadii uu koox u soo ciyaaray wareega Group-yada.

 

Taas ayaa la macno ah in ayna xiddigaha Marcelo iyo Sandro wax dhibaato ah ku dareemi doonin in ay kooxohooda cusub u ciyaaraan wareegyada xiga ee champions League.

 

Kooxda Real Madrid ayuu dhan faa,iido uga yahay heshiiskan maadama ay helayo xiddig da,yar ah marka loo eego marcelo oo haatan da, ah

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *