Kulanka Ay Wada Ciyaari Doonaan Kooxaha Barcelona iyo Girona Oo Taariikh U Dhigi Doona Horyaalka La Liga.

Xiriirka kubada cagta Spian ayaa bishii hore shaaciyay in ay heshiis la galeen shirkad ku takhasustay xayaysiisyada iyada oo kula heshiisay in ay uddo 15 sano ah horyaalka La Liga lagu qabto dalka America iyo Canada.

 Idaacada Cadena SER ayaa shaaca ka qaaday in xiirika kubada cagta Spain go,aamiyeen in kulanka Barcelona iyo Girona ee todobaadka 21-aad ee horyaalka La Liga lagu qabto garoonka Miami.

 

Kulankaas ayaa u qorshaysnaa markii hore in lagu ciyaaro garoonka kooxda Girona laakiin waxa haatan lagu ciyaari doonaa dalka America.

 

Kulankaas ayaa la ciyaar doonaa 26 ama 27 bisha January ee sanadka cusub ee 2019 xilli sidoo kale la ciyaari doono 4 dhamadka koobka Copa Del Rey-ga taas oo dhibaato weyn noqon doonta hadii labada kooxood midkood gaadho wareegaas.

 Waxa jira warar badan oo sheegaya in ay xiddigaha labada kooxood ka soo hor jeedaan In lagu ciyaaro kulankaas America iyaga oo haysta sababo badan oo ayna xitaa uga qayb qaadan doonin kulanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *