Madaxweynaha Filibiin oo ka laabtay cafis uu u fidiyay senetar mucaaradka ka tirsan

Madaxweynaha dalka Filibiin, Rodrigo Duterte ayaa maanta oo talaado ah dib uga noqday cafis uu u fidiyay senetar ka tirsan mucaaradka oo lagu magacaabo Antonio Trillanes .
Mr. Duterte ayaa dhanka kale amar ku bixiyay in xasbiga loo taxaabo siyaasigan oo dhaliila hoggaankiisa.
Waxyaabaha uu senetarkan ku eedeyay madaxweynaha Filibiin waxaa ka mid ah inuusan shaaca ka qaadin hantida uu leeyahay.
Sido kale senetarkan ayaa loo haystaa inuu ku lug lahaa isku day afgembi oo 15 sano ka hor ka dhacay wadankaasi.
Sido kale Mr. Trillanes ayaa tageeray dacwad loo gudbiyay maxkamada caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da taasi oo lagu doonayo in madaxweyne Rodrigo lagula xisaabtamo dilal ay ciidamadiisu u geysteen kumanaan qof oo lagu eedeyay falal dambiyeedyo iyo ka ganacsiga maandooriyaha.
Amar madaxweyne oo ka soo baxay hoggaanka Filibiin ayaa lagu sheegay in dowladu ay ka laabatay cafiskii ay senetarka u fidisay maadaama uusan ka soo bixin shuruudo lagu xiray.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *