Messi oo si kal iyo laab ah u aaminsan Cristiano Ronaldo

Lionel Messi ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inay wiiqday awooda Real Madrid isla markaana ay ku dhibtoon doonto inay ku guuleysato markale Champions League kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo
inkastoo ay Los Blancos soo bandhigtay kubbad cajiib ah kulamadii ay ciyaartay ilaa iminka ee La Liga, balse ma jiro xiddig wayn ay la soo wareegtay si uu badal ugu noqdo Ronaldo oo ah laacibka ugu goolsha badan taariikhdeeda.
Laakin Lionel Messi ayaana iminka aaminsan in awooda Real ay wiiqday isla markaana ay Juventus iminka ka mid tahay kooxaha ugu cad cad hanashada Champions League maadaama ay Cristiano Ronaldo heleen.
Messi oo arrimahaasi ka hadlaayay ayaa waxaa hadaladiisi kamid ahay……….
“Shaxda Real Madrid Ronaldo la’aantiisa uma xoog badna sidii hore. Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubbada cagta adduunka,” Mssi ayaa sidaa yiri.
“Juventus waa kuwa ugu cad cad ku guuleysiga Champions League maadaama ay iminka heystaan Ronaldo.
“Waan la yaabay go’aanka Ronaldo waayo ma filaneyn inuu ka tagi doono Real Madrid ama uu aadi doono Juventus. Waa koox aad u fiican.”.
Laacibka ugu fiican kooxda Barcelona ayaa aaminsan in kooxda Real ay wax koob ah mardambe ku guuleysan doonin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *