Talibaan oo shaacisay inuu geeriyooday aas-aasihii kooxda Haqqani ee Afghanistan

Kooxda Talibaan ee ka dagaalanto gudaha wadanka Afghanistan ayaa sheegtay inuu geeriyooday Jalaluddin Haqqani, oo ahaa aas-aasihii maleeshiyadda Haqqani .
Kooxdan ayaa ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ee dagaalada ka wado gudaha wadankaasi.
Mas’uulkan geeriyooday ayaa in muddo ah xanuunsanaa sida laga soo xigtay Talibaan.
Ururka maleeshiyadda Haqqani, ayaa la aas-aasay toddobatameeyadii .Hasa ahaate waxaa hoggaankeeda la wareegay wiilka Jalaludiin oo lagu magacaabo Sirajuddin Haqqani, oo hadda ah ku xigeenka madaxa Talibaan qeybteeda Afghanistan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *