Afhayeenka dowlada oo sheegay in la baarayo dilkii gabadh la afduubtay kadibna la dilay

Dowlada ayaa shacabka Kenyaanka ah u ballan qaaday in la sameynayo baaritaano xaqiiiqa raadis ah oo ku aaddan dilka loo geystay gabadh ka mid ahayd ardayda jaamacadda Rongo oo horay loo afduubtay.
Arroornimadoo hore ee saaka ayaa meydka Sharon Otieno, laga helay keeyn ku taalo ismaamulka Homa Bay.
Afhayeenka dowlada dhexe Mr. Eric Kiraithe ayaa sido kale cambareeyay isku day lagu doonayay in looga takhaluso wariye ka mid ah howlwadeenada warbaahinta Nation oo lagu magacaabo Barrack Oduor.
Mr. Kiraithe ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Sharon la dilay sido kalena afduubka loo geystay wariyaha looga gol lahaa in isna la dilo.
Shacabka Kenyaanka ah iyo bahda saxaafadda ayuu u xaqiijiyay in baaritaano xeel dheer lagu sameynayo falkaasi.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ee dalka Mr. George Kinoti ayaa dhankiisa maamul goboleedka Homa Bay u diray khuburo baaritaano sameynaya.
Gabadhan la dilay ayaa uur lahayd waxayna wararku sheegayaan inuu xiriir jaceyl kala dhexeyay barasaabka ismaamulka Migori Okoth Obado.
Sharon Otieno ayaa dhiganaysay fasalka labaad ee Jaamacadda Rongo waxayna baranaysa culuunta ku saabsan sida loo keydiyo macluumaadka .
Wariayaha ,Barack Oduor ayay dhaawacyo soo gareen kadib markii uu iska tuuray baabuur si xowli ah ay ku kaxeynayeen kooxdii afduubatay iyadoo hadda xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.
Sarakiisha dambi baarista ayaa xabsiga u taxaabay gacan yaraha barasaabka Migori , Michael Oyamo.
Waxaa lala xiriiriyay afduubkii loo geystay gabadha meydkeeda la helay iyo wariyaha dhaawaca ah.
Taliyaha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Migori ,Benedict Kigen ayaa sheegay in Mr .Oyamo lagu xiray degmada Uriri.
Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah ururada bulshada , midowga suxufiyiinta Kenyaanka ah iyo golaha warbaahinta dalka ee MCK ay cambareeyeen afduubka lagula kacay wariyaha oo la sheegay inuu warbixino ka diyaarinayay Isfahan waa’ u dhexeyay Mr. Obado iyo gabadha la dilay.
Xoghayaha dhanka warbaahinta u qaabilsan guddoomiyaha ismaamulka Migori ,Nicholas Anyuor ayaa sheegay in barasaabka uusan ku lug lahayn afduubkaasi isagoo intaasi ku daray inuu yahay qorsho la doonayo in siyaasad ahaan sumcaddisa lagu dhaawaco.
Taliyaha waaxda dambi baarista ee gobolka Nyanza ,Michael Baraza ayaa sheegay in ciidamada ay dardargelin doonaan baaritaanada si dacwad loogu soo oogo cid waliba oo falkaasi ku lug lahayd.
Sido kale qaar ka mid ah xildhibaanada haweenka ah ee baarlamaanka oo ay hor kacayso wakiilka haweenka ee ismaamulka Kisumu ,Rosa Buyu ayaa ku baaqay in baaritaano la sameeyo hadii guddoomiyaha lagu cadeeyo inuu falkaasi ku lug lahaana maxkamada la soo taago.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *