Ciidamo caraysan oo weeraray Taliska gobolka Nugaal.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee ee xarunta gobolka Nugaa ee dalka Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan in ciidamo hubeysan ay saaka weerar ku qaadeen taliska qeybta Booliska gobolka Nugaal.
Ciidamada weerarka ku qaaday xarunta Taliska ee magaalada Gawore ayaa la sheegay inay wateen hub iyo Gaadiid dagaal, islamarkaana ay dhaawaceen ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Nugaal.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawayne ayaa sheegay in weerarkan ay soo qaadeen in ka badan 30 sarkaal iyo ciidamo ay wateen oo ka Gadoodsanaa shaqo fariisn lagu sameyay.
Faraweyne waxaa uu intaasi raaciyay in Shaqo joojinta ay timid kadib markii ay saraakiishaasi ka soo bixi waayeen Waajibaadkii loo igmaday iyaguna ay go’aansadeen in dib u habayn dhanka amaanka ah lagu sameeyo gobolka Nugaal oo ay ku taalo caasimada maamulka Puntland ee Garowe.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo kamid ahaa ciidamadii iska difaacay ragii soo weeraray .
Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in ragagan weerarka soo qaaday la soo taagi doono Maxkamada ciidamada qalabka sida ,waxaan uu Hay,adaha amniga uu ku amray in la soo qabto sarakiishaasi.

Maamulka Puntaland ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in magaalada Garowe loo sameeyo ciidamo gaar ah oo u xilsaaran xaqiijinta amaanka magaaladaasi
Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad qaadanaya dhulka danta gud iyo dadkale oo iyaguna xiliyada qaar shacabka mobileda ka dhaca lagana hortagayo dhamaan dadkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *