Dhacdo layaab: Hooya yar oo canugeeda xabad galiyaya kadib markii ay ka soo kabsatay shil kooma.

Hooyadan oo ah hooyo da`a yar ayaa canugeeeda dib ula midoowday kadib markii ay ka soo kabsatay kooma ay gashay.
Canugan ayaa hooyadiisa loogu geeyay isbitaalka si ay u aragto balse markii loo geeyay ayuu shumis iyo laab galin kala dul dhacay.
Rachel Elliott oo 25 jir ah ayuu dhaawac ka soo gaaray maskaxda,dabarka iyo miskah kadib markii laga tuuray darbi ama gidaar bishii hore.
Kadib qaliin loogu sameeyay isbitaalka Beaumont ee ku yaala magaalada Dublin, ayaa hooyadan da`a yar la galiyay kooma.
Hasa yeeshee sawira la qaaday ayaa mujinaya in Rachel ay ka soo baxday koomada si ay ula kulanto wiilkeeda yar oo lagu magacaabo Ronnie.
Rachel walaasheed ayaa barteeda Facebook ku soo qortay inay aad ugu faraxsantahay inay aragto wiilka ay habaryarta u tahay oo u heelan inuu hooyadiis arko.
Waxay sheegtay in canuga yar uu marwalba u rajeyn jiray hooyadiis caafimaad wanagsan oo deg deg ah.
Rachel walaasheed ayaa intaa ku dartay in la joogo wakhtigii hooya iyo canugeeda, si ay u dahdo waan ku faraxsanahay inay markale dib u midobaan.

waxaa qoray Anwar Mohamed

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *