DHAGEYSO Xildhibaanada katirsan baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada maamulka Galmudug oo eedaymo loo jeediyay.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa eedaymo waxay u jeediyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga soo doortay deegaanada maamulka Galmudug ay ka arimiso.
Masuuliyiinta galmuudg waxay sheegeen in xildhibaanadaasi aysan ka soo bixin Kaalintoodii sidoo kalena waxay ku dhaliileen inay ku howlan yihiin waxa ay ugu yeereen dib u dhaca Galmudug,sida uu sheegayo wasiir ku xigeenka wasaarada biyaha iyo Tamarta ee maamulka Galmudug

Madaxda Maamulka Galmudug ayaa inta badan waxaa ka soo dhex ifa khilaafaad dhexdooda ah waxana wali taagan khilaafkii ka dhasahy kadib markii lagu kala aragti duwanaaday qodobo ka mid ah heshiiskii lagu mideeyay maamulkii Ahlusuna iyo Galmudug.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *