Faouzi Benzarti oo sheegay in Mohamed Salah uusan aheyn laacibka ugu fiican aduunka.

Tababaraha xulka Faouzi Benzarti ayaa meesha ka saaray in Mohamed Salah uu yahay xidiga ugu laacibsan aduunka xiligan la joogo, kadib markii xiddigan uu qeyb ka noqday liiska saddexda xidig ee isugu soo haray abaal marinta FIFA The Best.
Waxaa liiska seddexda xiddig ee abaal marinta FIFA The Best hada isugu soo haray xiddigaha kala ah Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo iyo Luka Modrić.
Faouzi Benzarti oo wax laga weydiiyay fikirkiisa kaga aadan sida uu u arko in Mohamed Salah uu yahay kan ugu fiican aduunka, ayaa ku jawaabay
“Mohamed Salah waxaa laga yaabaa inuu ka mid yahay ciyaartoyda aduunka ugu fiican, balse ma ahan kan ugu fiican”.
Tababarahan ayaa laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah u rajeeyay wanaag oo dhan, kadib markii uu kusoo guuleestay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay abaal marino badan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *