British Airways oo 380,000 oo macaamiisheeda ka mid ah ka raali gelisay weerar dhanka intarneetka ah

Shirkadda diyaaradaha ee dalka Ingiriiska ee British Airways ayaa raali gelin bixisay kadib markii 380,000 oo macaamiisheeda ka mid ah ay dhibaato ka soo gaartay weerar dhanka intarneetka ah.
Waxaa loo dhacay macluumaadka boqolaal kun oo macaamiil ah muddo laba isbuuc gudaheed ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in macluuaadka laga xaday shabakadda shirkadda iyo ablikeeshin ay leedahay.
Shirkadda ayaa arbacadii ogaatay in faragelin lagu sameeyay duulimaad tiketyadi la sii dhigtay intii u dhexeysay 21-kii bishii sideedaad ilaa iyo 5-tii bishan sagalaad sida laga soo xigtay madaxa fulinta , Alex Cruz.
Waxaa uu intaasi ku daray in macamiisha isla markiba lagu wargeliyay dhibaatada dhacday.
Weerarkan ayaa imaanaya 15 bilood kadib markii uu shaqeyn waayahay hannaanka shirkadda gaar ahaan qeybta madaarka magaalada London ee Heathrow halkaasi oo ay ku xayirmeen 75,000 oo macaamiil ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *