DHAGEYSO Guddoomiyaha Taita Taveta oo soo dhaweeyay in hakad la geliyay qiimaha cusub ee shidaalka

Barasaabka ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta Mr.Granton Samboja ayaa soo dhaweyay go’aan shalay ka soo baxay maxkamad ku taalo ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka.
Maxkamada sare ee dowlad goboleedkaasi ayaa si ku mel gaar ah u hakisay canshuurta lagu soo kordhiyay qiimaha shidaalka.
Guddoomiyaha Taita Taveta ayaa sheegay in go’aankaasi uu kenyaanka ka dul qaadayo culeys soo foodsaaray oo laga cabsi qabay inuu saameyn lixaad leh ku yeesho maciishadda dadweynaha

Maxkamada ayaa amartay in uusan dhaqan gali karin qiimaha dhan boqolkiba 16 ee dowladu ay ku kordhisay canshuurta laga qaado noocyada kala duwan ee shidaalka.
Go’aanka maxkamada ayaa yimid ka dib markii ay dacwad u gudbiyeen 3 qof ee ka soo jeeda maamul goboleedka Kisumu.
Qar ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Bungoma ayaa sare u kaca shidaalka ku eedeeyay wasiirka wasaarada maaliyada ee dalka M. Henry Rotich .
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale uu isa soo tareysa cabashada iyo walaaca ay shacabka Kenyaanka ah ka muujinayaan sara u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *