Madaxda wadamada Ruushka, iiraan iyo Turkiga oo kulan ku leh Tehran

Waxaa magaala madaxda wadanka Iiraan ee Tehran maanta kulan ku yeelanaya hoggaamiyaasha wadamada Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhiggiisa dalkaasi Xassan Ruuxaani
Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlaya sidi wax looga qaban karo xaaladda Suuriya oo ay sanado badan ragaadiyeen dagaalo sokeeye.
Shirka madaxdan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhanka kale howlgalo militari oo laga deyriyay ay ka socdaan gobolka Idlib.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in mas’uuliyiintan la filayo inay saxiixdaan heshiis saddex geesood ah oo ku aaddan iskaashiga militari ee ka socdo gudaha Suuriya, xuquuqda dadka ay dagaaladu barakiciyeen, in la soo dhiso guddi baaraya dadka ay xirtay dowlada Bashar Al-Assad, kuwo la waayay
Suuriya ayaa waxaa muddo 8 sano ah ka taagnaa dagaalo sokeeye oo ay ku dhinteen ugu yaraan 500,000 oo qof halka kala bar tirada guud ee shacabka wadankaasi ku nool oo u dhiganta 11 milyan ay guriyahooda ka barakaceen.
Qaxootiga ka cararay dagaalada suuriya ayaa hadda ku nool wadamada Lubnaan , Urdun, Turkiga iyo qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.
Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa madaxda iiraan ka codsaday inay ka hor tagaan dhiig ku sii daato gudaha Suuriya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *