Maxkamada oo hakisay dhaqangelinta xilka qaadistii guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi

Maxkamada shaqaalaha ee dalka ayaa soo saartay amar si ku meel gaar ah lagu hakinayo tallabadii wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ay xilka uga qaadeen guddomiyahooda Ms Beatrice Elachi.
Shalay ayay ahayd markii wakiilada ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen in xilkaasi laga xayuubiyo haweeneydan oo ay ku eedeynayaan maamul xumo iyo ku tagriifal awoodeed.
Waxyaabaha kale ee Ms Elachi lagu dhaliilay waxaa ka mid ah inay carqaladeysay habsami u socodka howlaha golaha sharci dejinta ee caasimadda dalka.
Hasa ahaate qareenada matalaya haweeneydan oo galinkii dambe ee shalay maxkamada tagay ayaa soo qaatay amar ka dhan ah go’aanka wakiilada.
Garsoore Maureen Onyango ayaa muranka dhanka hoggaanka ah ku tilmaantay arrin degdeg ah sidaasi awgeedna Ms Elachi aanan xafiiska laga saari karin ama aanan la soo magacaabi karin mas’uul bedelo ilaa iyo inta laga dhageysanayo labada dhinac.
Maalinka talaadada ee toddobaadka soo socdo ayaa la dhageysan doona kiiska ay maxkamada geeyeen qareenada guddoomiyaha iyo sido kale wakiilada ka soo horjeestay si fursad loo siiyo oo ay u soo bandhigaan cadeymaha ay u hayaan waxyaabaha ay ku eedeynayaan.
Ms Elachi ayaa ku doodaysa inay sharci darro tahay xilka ka qaadista lagu sameeyay oo ay ku micneysay mid si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo.
Wakiilo tiro ahaan dhan 103 ayaa u codeeyay in ay xafiiska banneeyso Ms Elach halka laba kalena ay ka aamuseen moshiinkii lagu qaaday guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *