Meydka gabadh dhawaan la dilay oo baaritaano lagu sameynayo

Waxaa maanta baaritaano lagu sameyn doonaa meydka Sharon Otieno oo gabadh 26 sano jir ah kana mid ahayd ardayda jaamacadda Rongo ee maamul goboleedka Migori.
Gabadhan oo meydkeeda laga helay keyn dhexdeeda ayaa waxaa isku mar la afduubtay wariye ka tirsan warbaahinta Nation.
Afhayeenka booliska dalka Mr. Charles Owino, ayaa sheegay in meydka la baarayo ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladu ku bixinayso in laga sal gaaro afduubka iyo dilkii lagula kacay gabadhaasi.
Waxay jaamacadda Rongo ka baraneysay culuunta ku saabsan keydinta macluumaadka.
Barack Oduor oo isna la afduubtay ayaa iska tuuray baabuur si xowli ah loo kaxeynayay oo ay saarnayeen dadkii soo kaxeyay waxaana soo gaaray dhaawac dhanka jilibka ah oo hadda laga dabiibayo.
Barasaabka ismaamulka Migori Okoth Obado oo la sheegay in gabadhaasi uu xiriir kala dhexeyay sido kalena ku lug lahaa dilkeeda ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay wuxuuna ku tilmaamay mido lagu doonayol in lagu gaarsiiyo dhaawac siyaasadeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *