Musharax madaxweyne oo lagu tooriyeeyay Brazil

Wararka naga soo gaaraya dalka Brazil ayaa sheegaya in mindi la geliyay Jair Bolsonaro, oo ka mid ahaa musharaxiinta ugu cadcad ee loolanka ugu jiro qabashada hoggaanka wadankaasi.
Mas’uulkan ayaa xili uu ku sugnaa goobo lagu qabanayay isku soo bax siyaasadeed la gaarsiiyay dhaawac culus in kastoo dhaqatiirta ay hadda shegeen in xaaladiisa aysan liidan.
Weerarka ka dhanka ah Mr. Jair oo ka tirsan xisbiga midigta fog ee Brazil ayaa sara u sii qaadaya cabsida laga muujinayo in wadankaasi ay ka dhacaan rabshado la xiriira doorashooyinka.
Dr. Luiz Henrique Borsato oo ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegay in musharaxa la dhaawacay uu isbitaalka ku jirayo ugu yaraan hal toddobaad iyadoo ay suuragal tahay in muddo laba bilood ah uusan ka soo kaban dhibaatada loo geystay
Madaxweynaha Brazil Michel Temer iyo musharaxiinta kala ah Ciro Gomes, Marina Silva iyo Geraldo Alckmin ayaa dhammaan walaac ka muujiyay qulqulatooyinka laga cabsi qabo inay dalkaasi saameeyaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *