Safaaradda Shiinaha oo iska fogeysay hadal uu jeediyay muwaadin lagu eedeyay cunsuriyanimo

Safaaradda dowlada Shiinaha ay ku leedahay magaaladatani Nairobi ayaa sheegtay in hadal la dhibsaday oo uu jeediyay mid ka mid ah muwaadiniinteeda uusan ahayn mid ka turjumo dareenka dhammaan shacabka wadankaasi.
Liu Jiaqi oo u dhashay Shiinaha hasa ahaate ka shaqeyanayay gudaha dalka ayaa muuqaal ka soo dhex muuqdo isagoo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo shacabka kenyaanka ah ku tilmaamay daanyerro.
Muuqaalkaasi oo aan la baahin cidda duubtay ayaa Mr. Liu la maqlaya isagoo oranaya waxaad tihiin doqomo, madow iyo sabool.
Waaxda socdaalka ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee twitarka ku sheegtay in ninkan oo loo haysto inuu ku dhaqaaqay cunsuriyanimo la xiray kadibna wadanka laga tarxiilay.
Afhayeenka safaaradda shiinaha ee Nairobi, Zhang Gang ayaa dowlada iyo shacabka ka codsaday inay hadalkaasi la qoonsaday u arkaan mid shakhsiyadeed.
Muwaadiniinta shiinaha ee ku nool gudaha dalka ama ka shaqeysta ayuu u sheegay in laga doonayo inay u hoggansamaan shuruucda iyo habdhaqanka wanaagsan ee ku saleysan xushmad.
Sido kale Mr. Zhang Gang ayaa dhanka kale sheegay in wadamada Kenya iyo Shiinaha uu ka dhexeya xiriir saaxibtinimo oo soo jireen ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *