Taliska Boolsika Soomaaliya oo tababar u soo xiray ciidamo cusub.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan booliska, kuwaasi oo ka kala yimid degaanada Maamul goboleedka Puntland.
Saraakiishaan ayaa la baray sharciga xaquuqul iinsaanka, Baaritaanada kufsiga la xiriira iyo Maareynta dambiyada, waxaana tababarka bixinayey macalimiinta booliska Soomaaliya oo kaashanayo Hay’adda Bancroft Global Development iyo Hay’adda International Narcotics and Law.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa saraakiisha tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ku dhaqma casharada kala duwan ee la baray si ay qayb uga qaataan hirgalinta sharciyada qarankooda.
Taliyaha ayaa xusay in taliska ciidanka booliska Soomaaliya ay ka go’an tahay sare u qaadida aqoonta ciidanka, wuxuuna tilmaamay in la kordhin doono tababarada kala duwan ee ciidanka Boolisk la siinayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *