Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo xafiiskiiska ku qaabay saraakiil maraykan ah.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda Mareykanka, waxaayna ka wada hadleen dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee dowlada Soomaaliya.
Saraakiishaan arimaha kale ee ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah siddii dawladda Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya uga taageeri laheyd xoreynta deegaanada ay haysaan AL-shabaab, tababarka ciidanka iyo is dhaafsiga khibradaha dhanka ciidamada ah.
Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi wuxuu dawladda Mareykanka ka dalbaday inay kordhiyaan taageerida, tababarada ee ay siinayaan ciidanka xoogga dalka iyo weerarada ka dhanka ah Al Shabaab ee laga fuliyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Taliska ciidanka xooga Soomaaliya wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu horay u dalbaday in Al Shabaab si deg deg ah looga saaro dhamaan deeganada ay ku sugan yihiin,sidoo kalena ay socddaan qorsheyaasha gulufka dagaal xoogan oo ka dhan ah xoogaga dowlada diidan.
Dawladda Mareykanka waxay ka mid tahay dowladaha sida gaarka ah Soomaaliya uga taageera tababarada ciidamada qalabka sida waxayna sidoo kale qayb ka tahay dowlada ay ciidamadoodu howl galada ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *