Ciidamada Booliska Lamu oo gacanta ku dhigay Nin ka Tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Lamaha amaanka ee ismaamul goboleedka Lamu ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah  wadanka Somalia ee dariska la ah dalkani Kenya.

Taliyaha ciidamada Booliska ee Lamu Paul Leting ayaa sheegay in ay sidoo kale qabteen walxo looga shakisan yahay in la doonayay in  loo aadgsado qarax .

Mr Leting ayaa sido kale sheegay in ninkaasi ay baaritaano ku sameynayaan si ay uga helaan macluumaad dheer ah .

Maamul goboleed Lamu ayaa mudooyiinka u dambeeyay waxaa ka dhacay weeraro ay ku waxyeeloobeen ciidamada booliska iyo dad shacab ah.

Dowlada ayaa marar badan sheegtay in werarada ka dhaca Lamu laga soo abaabulo keynt Boni Forest oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan ururka Al-Shabab.

Weerarada ka dhacaa ismaamulkaasi ayaa badana waxa lagu eedeeyay xarakada Al-Shabaab .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *