David Mwai oo shaley lagu aasey ismamulka Nakuru

David Mwai, oo ahaa tuhmanihii ugu weynaa ee lagu eedeeyay isku daygi dil ee wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Garissa Idirs Mukhtar ayaa ila iyo hadda la ogeen halka ay jaan iyo cirib dhigtay xaaskiisa tan iyo intii gacanta lagu dhigay tuhmanahaasi.
Tuhmanahaasi lagu eedeeyay isku deyka dil oo isku dilay xabsi ku yaala Parklands ee magaaladatan Nairobi ayaa shalay meydkiisa lagu aasey ismamulka Nakuru.
Aaska David Mwai ayaa waxa ka soo qeyb gashey in ka yar 200 oo qof .
Qoyska uu ka soo jeeday David Mwai ayaa sheegay in tan iyo 30-kii bishi Agostoo aysan garaneyn halka ay ku sugantahay xaaskiisa.
Wakiilka laga soo doortay xaafada Waseges ee ismaamulka Nakuru Daniel Kiriethe ayaa ciidamada booliska ugu baaqay in ay baaritaano ku sameyaan sabaabtii uu xabsiga isugu dilay David Mwai.
David Mwai iyo eedeysanayaal kale ayaa lagu eedeeyay in ay ka taqalusi rabeen wasiirkii hore ee maaliyada Garissa Idris Mukhtar.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *