DHAGEYSO 163 ajaaniib ah oo laga tarxiilay gobolka xeebta ee dalka

Ciidamada booliska ee Mombasa Gobolka xeebta dalka ayaa gacanta ku dhigay 163 qof oo u dhalatay wadanka Pakistan ka dib markii lagu lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah dalka ku joogaan.
Faah faahinta warkani waxa magaalada Mombasa inoo soo diray wariyahena Abdi jaliil osman samow

Olole ka dhan ah dadka muhaajiriinta ee sida sharci darada ah ee ku jooga dalka ayay laamaha ammaanka bilaaben .
Hawlgalka lagu baacsanayo dadka aan wax aqoonsi ah heysan kuna sugan dalkani Kenya ayaa socda hal toddobaad sida uu sheegay taliyaha ciidamada booliska ee gobolka xeebta dalka Noah Mwavinda.
Sam Ikwaye oo ka mid ah ururka xirfadleyaasha dalxiiska ayaa sheegay in ay tahay in ajaaniibta si sharciga waafaqasan loo shaqaaleysiiyo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 6 qof o u dhashay dalka Siri Lanka laga tarxiilay wadanka ka dib markii lagu helay ganacsi sharci daro ah iyo iyagoona heysan ogolaansho sharci oo ay dalka uga hawlgali karaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *