Hoggamiyaha Kuuriyada wooqoyi oo xaqiijiyay inuu safar ku tagayo dalka Ruushka

Kim Jong Un ayaa xaqiijiyay inuu tagayo dalka Ruushka ,Wakaalada wararka dalka Ruushka ayaa soo xigatay afhayeenka baarlamaanka Valentina Matvienko ka dib markii ay maanta la kulantay hoggamiyaha kuriyada woqooyi magalada Pyongyang.
Kim waxa uu doonaya nabad,Ayay tiri ka dib kulan qaatay wax hal saac ka badan.Waxayna inta ku dartay in wakhtiga iyo goobta si wangsan loogu wada heshiin doono.
Waxay xustay in Kim uusan dooneynin inuu dib dhigo safarka.
Matvienko ayaa sido kale sheegtay inay gudbisay fariin ka socotay Madaxweyne Vladamir putin kuna socotay Kim balse ma aysan la wadaagin warbaahinta waxa fariinta ay tahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *