Dowlada masar oo loogu baaqay inay ka laabato xukunkii dilka ee lagu riday 75 qof

Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ,Michelle Bachelet ayaa dowlada Masar ka codsatay inay ka noqoto xukunkii dilka aha ee lagu riday 75 qof oo eedeysanayaal ah.
Dadka xukunkaasi uu saameynayo ayaa isugu jiray kuwo ka tirsan mucaaradka iyo sarakiil sar sare oo ka mid ah walaalaha midoobay ee ikhwaanul muslimiin.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa xukunadaasi cambaareysay waxayna ku tilmaantay garsoorka oo lagu jeesjeesay.
Dadka dilalka lagu xukumay oo uu ka mid yahay Maxamed Badiic ayaa lagu eedeyay inay mudaaharaadyo dhigeen ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi sanadkii 2013-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *