Guddoomiyaha Meru oo ku baaqay in shacabka ay qeyb ka noqdaan howlaha ismaamulada

Barasaabka ismaamulka  Meru ,Kiraitu Murungi  ayaa maamul goboleedyada dalka  ka jira u soo jeediyay inay shacabka ku nool degaanada kala duwan fursad u siiyaan inay si weyn uga qeyb qaataan maareynta kheyraadka  dabiiciga ah  iyo  barnaamijyada kala duwan.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay  in tallabadaasi ay  ka hor  tag u noqonaysa  khilaaf  soo kala dhex galo  maamulada iyo dadweynaha ay u adeegaan.

Sido kale, guddoomiyaha Meru ayaa sheegay in dadweynaha oo ka dhex muuqdo  meel marinta mashaariicda  horumarineed ay  keeni karto kalsooni ay ku qabaan hoggaanka dalka iyo degaanada ay ku noolyihiin labaduba.

Mas’uulkan ayaa carrabka ku dhuftay in si loogu guuleysto nidaamka   dowlad wadaajinta   ay qasab tahay in dadka ku nool ismaamul waliba   ay kaalin muhiim ah  ka qaadaan arrimaha dowlad  goboleedkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *