Guddoomiyaha Nairobi oo ka soo horjeestay qiimaha lagu kordhiyay canshuurta shidaalka

Barasaabka ismaamulka Nairobi, Mike Sonko ayaa sheegay in qiimaha ah boqolkiba 16 ee lagu daray canshuurta laga qaado noocyada kala duwan ee shidaalka uu culeys u keenay shacabka Kenyaanka ah.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dowlada la doonayo inay ku dadaasho sidii dhaqaale dheeraad ah lagu heli lahaa si wadanka uu ugu tallabsado horumar dhinac waliba.
Hasa ahatee , Mike Sonko ayaa sheegay inuusan dowlada ku taageersanayn tallabada ay qaaday oo uu ku tilmaamay mid maciishadda dadweynaha ka sii dhigeysa mid adag
Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayuu sheegay inay ka codsan doonaan inuu saxiixo go’aankii ay qaateen xildhibaanada baarlamaanka.
Mudanayaasha ka tirsan golaha qaran ee sharci dejinta ayuu sheegay inay matalaan shacabka soo doortay sidaasi awgeedna go’aankii ay muddo 2 sano ah dib ugu dhigeen dhaqangelinta qiimahan cusub ee canshuurta shidaalka la doonayo in madaxweynuhu uu ku raaco

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *