Kaaliyaha guddoomiyaha Migori oo maanta maxkamad la soo taagayo

Waxaa maanta la filaya in maxkamada uu ka soo hormuuqdo gacan yaraha ama caawiyaha barasaabka maamul goboleedka Migori Okoth Obado oo lagu magacaabo Michael Oyamo.
Waxaa loo haystaa inuu ku lug lahaa afduubkii iyo dilkii loo geystay Sharon Otieno oo ka mid ahayd ardayda dhigata jaamacadda Rongo.
Afhayeenka ciidamada booliska ee dalka Mr. Charles Owino, ayaa sheegay inaysan suurtagal tahay in lagu soo oogo dacwado ama sarakiisha dacwad oogidda ay codsadaan muddo dheeraad ah oo ay ku soo dhameystiri karaan baaritaanada.
Mr. Owino ayaa intaasi ku daray in gacanta lagu dhigay eedeysane kale oo isna maxkamada la soo taagayo.
Toddobaadkii hore ayaa baaritaan lagu sameeyay meydka Sharon Otieno lagu ogaafay in la ceejiyay halka 8 mar mindi la geliyay.
Sarkaalka ugu sareeya ee dowlada u qaabilsan baaritaanada lagu sameeyo meydadka ,Johansen Oduor ayaa sheegay in dadkii gabadhan afduubtay ay xita dhanka madaxa dhaawac ka gaarsiiyeen canug ay uurkiisa lahayd.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *