Kiisaska dadka is dila oo ku badanayo dalka

Iyadoo guud ahaan maanta caalamka laga xusayo maalinka ka hortagga inuu qofku is dilo ee loo yaqano (WSPD) ayaa waxaa dalka ku sii badanaya falalkasi.
Munaasabadda xuska maalinkan ayaa lagu qaban doonaa ismaamulka Embu waxaana hal ku dhig u ah sida looga wada shaqeyn karo ka hor tagga inuu qofku is dilo.
Sannadihii ugu dambeeyay waxaa guud ahaan wadanka laga soo tabiyay kiisas noocan oo kale ah oo inta badan ay dhalinyaro ku dhaqaaqeen kadib murugo ku habsatay iyo sababo kale.
Maalinkan ayaa dunida looga dabaal degaa 10-ka bisha Septembar ee sannad waliba oo maanta ku beegan waxaana soo qabanqaabiya ururka (IASP) iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Ujeedada laga leeyahay xuska maalinkan ayaa ah in dadweynaha lagu wacyigeliyo in laga hortagi karo qofka oo nafsadiisa ka takhaluso.
Khuburada ku takhasusay cilmiga saaykolojiga ayaa soo jeedinaya in asxaabta iyo ehelada ay si dhow ula socdaan qofka ay ka dareemaan inuu walwal hayo.
40-kii ilbiriqsi waxaa is dilo hal qof iyadoo tani ay ka dhigantahay 800,000 oo qof sannad kasta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *