Toogasho ka dhacday shirkadda shidaalka ee Libya

Wararka naga soo gaaraya  magaala madaxda Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaya in rag hubeysan oo dhowr ah  ay weerar ku qaadeen xarunta dhexe  ee shirkadda shidaalka ee (NOC) .

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta  u sheegay in halkaasi laga maqlay qaraxyo dhowr ah.

Sarkaal ka tirsan   waaxda  shidaalka ee NOC  ayaa wakaaladda wararka ee  Reuters u sheegay in saddex ilaa iyo 5 qof ay toogasho ka geysanayeen gudaha xaruntaasi.

Waxaa uu intaasi ku daray in tiro dad ah ay dhaawacmeen iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda fulinta weerarkaasi.

Waxaa hadda goobta gaaray baabuurta gurmadka ee loo  yaqaano Ambulaansi halkaasi oo ay samata bixin ka wadaan.

 

 

 

 

 

 

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *